Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa u jawaabay musharaxa xisbiga jamhuuriga Donald Trump.
Donald Trump ayaa ereyo qalafsan dhowaan jeediyay taas oo uu ku dhaliilayay Obama.
Obama waxuu sheegay in ereyada uu sheegayo Trump aysan wax micno ah soo kordhinaynin.
Madaxweyne Obama waxuu sheegay in kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay doonayso in ay islaamka iyo Maraykanka ay iskudirto.
Obama waxuu ku eedeeyey Donald Trump in siyaasadiisu ay tahay mid khaldan.
Musharaxa xisbiga jamhuuriga Donald Trump ayaa maamulka Obama ku eedeeyey siyaasad xumo.
Waxuu Trump sheegay in dowladda Obama aysan waxba ka qaban islaamka xagjirka ah.