Banaanbax ka dhacay Muqdisho

Banaanbax xoogan oo laga soo horjeedo xukunkii ay dowladda India ku riday dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Taalada daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigay qeybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Muqdisho .

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa kasoo horjeeday xukunka xaqdarada ah ee ay dowladda India ay ku riday 50 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeeysay in ay yihiin burcadbadeed.

Banaanbaxa ayaa waxa ka qey galay Madax ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo kamid yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcale .

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xukunka xaqdarada ah ee lagu riday dhalinyarada Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Banaanbax midkaan la mid ah ayaa horay uga dhacay magaalooyinka Hobyo sidoo kale magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.