Banaanbax ka dhacay Gaalkacyo “Sawiro”

Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay Banaanbax Balaaran, kaas oo looga soo horjeeday weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee saakay lala beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, kana dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa isaga kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan Duqeynta ay sheegeen in ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Puntland iyo Diyaarado Mareykanka uu leeyahay.

Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed), Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in falkan ay ka dambeeyaan Maamulka Puntland, isagoo sidoo kale sheegay in arrintan ay lug ku leeyihiin Diyaarado ay wateen Ciidamo Mareykan ah.

C/naasir Bedel Khaliif, oo ah Agaasimaha Warfaafinta Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa beeniyay hadalka ka soo yeeray Galmudug, waxaana uu sheegay in ay beegsadeen kolonyo ay la socdeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

1e 3e 4e 5e 3e