Bakhaar guddi doorashado oo gubtay

Guddiga doorashada dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay in guud ahana uu gubtay Bakhaar lagu hayay waraaqaha codeynta dalkaasi ka dib markii uu dab ka kacay.

Dab ka kacay bakhaarka ugu wayn ee la dhigo waraaqaha codaynta doorashada Ciraaq ayaa la xakameeyay, iyadoo lagu baaqayo in dib loo tiriyo.

Codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday degaanka bari ee magaalada caasimadda ah ee Baqdaad ayaa lagu hayay bakhaarkaas.

Saraakiishu waxay sheegeen in laga yaabo in waraaqaha coddayntu ay ku jireen bakhaarka gubtay balse intooda badan aysan waxba soo gaarin.

Doorashadii baarlamaanka ee bishii hore waxaa ku guulaystay is bahaysi u hogaaminayo wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Sadr.