Jowhar-RisaalaFM- Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay kulan xasaasi ah ku yeelanayaan xarunta Baarlamaanka ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Risaala ayaa sheegay kulanka Baarlamaanka ee maanta waxyaabaha looga hadli doono in ay ka mid yihiin magacaabista degmooyinka cusub gobolka Hiiraan ee Madaxweyne Cosoble.
Waxa uu sheegay Baarlamaanka Hirshabeelle maanta in uu si adag uga hadli doono arrinta la xiriirta magacaabista degmooyinka cusub ee gobolka Hiiraan, kadibna ay u yeeri doonaan Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle.
1-dii bishan ayay aheyd markii uu Saddex degmo uu magacaabay, kuwaas oo kala ah Ceel Cali, Far Libaax iyo Halgan.
Sidoo kale 9-kii bishan ayuu magacaabay Degmooyinka kala ah Burweyn, Moqokori, Fer-feer iyo Buq-Aqablle oo kawada tirsan gobolka Hiiraan
Deegaanada qaar ee degmooyinka loo magacaabay ayaa waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa xilligan wajahaya cadaadis uga imaanaya siyaasiyiinta Gobolada uu maamulo.