Baareyaashu 2 sano kaddib wali kamayna quusanin diyaaradda MH370

Dawladdaha Malaysia iyo Australia ayaa sheegay in wali ka rajo qabaan in la heli doono diyaaradii la waayay ee lambarka duulimaadkeedu ahaa MH370.

Markii la waayay diyaaradaas waxaa laga joogaa muddo labo sano ah.

Diyaaradda waxaa lagu waayay inta u dhaxaysa magaalada Kuala Lumpur iyo magaalada Beijing taariikhdu markay ahayd sideedii bishii sadexaad ee sanadkii labada kun iyo afartii (08/ Marach 2014).

Diyaaradda waxaa saarnaa 239 ruux oo aan illaa iyo hadda wax akhbaar ah laga haynin.

Baareyaal ay hogaaminayaan Australian ayaa baaritaan ka wada 120,000 isku warareeg kilo mitir oo dhanka koonfureed ee badda Hindiya ah.

Ilaa iyo hadda hal qayb oo garab diyaaradeed ah ayaa la xaqiijiyay in laga helay jasiiradda Reunion.

Ilaa iyo hadda maxaan ka ognahay diyaaradda MH370

Baarayaasha reer Malaysia waxay sheegeen in dib u egid lagu samaynayo akhbaaraadka muhiimka ah ee ay hayaan

Malaysian investigators say key information is still being reviewed.

Kok Soo Choon oo arbacadii ka hadlay Talafeshinka ayaa sheegay in ay gunaanadayaan baaritaanada warbixinada lagu kalsoonaan karo ee ay hayaan.

Baarayaasha waxaa hogaaminaya kooxo Malaysian ah waxaase ku weheliya khuburo ka kala socota Maraykanka, Shiinaha, Australia, Faransiiska iyo Britain.