Home Wararka Askari Mareykan ah oo lagu dilay Soomaaliya

Askari Mareykan ah oo lagu dilay Soomaaliya

SHARE
United States Marine Corps personnel from the 2nd Platoon, 1st Battalion, 1st Marine Regiment, who are in Australia as part of Marine Rotational Force - Darwin, press forward on a patrol during Exercise Hamel in Cultana training area, South Australia, on 1 July 2016. (Australian Defence Force photo by Cpl. Dan Pinhorn)

Kismaayo-RisaalaFM- Al-shabaab ayaa weerar ku dilay Hal askari oo Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay afar askari oo Maraykan ah, ugu yaraan laba askari oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay weerarka.

Ciidanka Maraykanka ayaa waday hawlgal ay ku taageerayeen ciidmada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Shabaab, weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Sanguuni ee Koonfurta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada askariga Maraykanka ah, Ciidamada Soomaaliya iyo askarta Maraykanka ah ee caawinayay ayaa ku guda jiray in ay dhufayso qotaan iyaga oo difaacooda xoojinayay xiliga ay Shabaab la beegsadeen weerar kadis ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Shabaab ay dhowr qarax la beegsadeen ciidamada Soomaalida iyo Maraykanka ee wada socday kadibna ay rasaas xoog badan ku fureen, goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daray in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay qaaday dhaawaca.

Bishii May ayaa Hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, Askrigaasi ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay qaadayaan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xiriir ah oo ka dhacay gobolo kala duwan.