Israa’iil ayaa bilawday dacwad loo haysto askari kood ah oo lagu eedeeyay in uu dhaawac tiray nin falastiini ah
Dhacdadaasi ayaa ka dhacday dhulka la haysto ee Daanta Galbeeed.
Askariga oo lagu magacaabo Elor Azaria ayaa wajahaya dacwad dil ah.
Falastiniga la dilay ayaa markii hore mindi ku weeraray laamaha ammaanka ee Israa’iil.
Muuqaal laga duubay ayaa muujinaya ninkaas oo qarka u saaran in uu nuuxnuuxsiga joojiyo oo dhabarka u jiifa ka hor inta aan meel aan fogayn laga soo tooganin ee aan madaxa xabbad lagaga dhufanin.
Saraakiil sare oo millitariga Israa’iil ah ayaa cambaareeyay ficilka askarigaasi, laakiin siyaasiyiinta garabka midig ayaa ku dooday in askarigaas lloola dhaqmay si aan cadaalad ahayn.