Home Wararka Askar ka tirsan Booliska Kenya oo Qarax lagula eegtay Ismaamulka Lamu

Askar ka tirsan Booliska Kenya oo Qarax lagula eegtay Ismaamulka Lamu

SHARE

Kenya-RisaalaFM- In ka badan 10 Askari oo Ka tirsan Ciidamada Maamulka ee loo Yaqaano AP-da ayaa ka badbaaday isku day lagu qaarijin rabay kadib markii lagula beegsaday Miino Degaano hoosyimaada Ismaamulka Lamu.

Weerarkan oo Ka dhacay Degaanka isgoyska Mambore-Mkokoni oo u dhow Xarunta shirkadda Xoogga korontada ee Kenya Power ku leedahay Degaanka Kiunga ee Galbeedka Lamu.

Ciidamadan la weeraray ayaa la sheegay in ay wadeen howlo roondo ah Xilligii Qaraxa lala beegsanayay iyadoo ku dhowaad 10 Daqiiqo ay Rasaas is weydaarsadeen labada dhinac sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha dhanka Nabadgelyada ismaamulka Lamu Gilbert Kitiyo.

Mr Kitiyo ayaa dhanka kale sheegay in Kooxo hubeysan aan tiradooda la cayimin oo ku dhuumaaleysanayay aagaasi ay weerareen Gaariga Ciidamada Ap-da oo nuuciisa lagu sheegay Land Cruiser.

Agaasimaha Howlgalada Keynta Boni Mr Joseph Kanyiri ayaa sheegay in ay kooxaha Argagixisada ay bilaabeen in ay Miinooyin ku xiraan Wadooyinka kadib markii laamaha amniga ay uga itaal roonaadeen Dagaalka tooska ah oo ay kula jireen.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in ay cirib tiri doonaan firxadka Dagaalyahanadan kadib markii ay Dowladda xoojisay dhowrkii Todobaad ee la soo dhaafay Howlgalada ka socda Keynta Boni.

Howlgalka loogu magac daray Linda Boni ayaa waxaa la hirgaliyay bishii September sanadii 2015-kii Wasiirkii hore ee geeriyooday ee Arrimaha Gudaha iyo amniga dalka Mar Joseph Nkaisery.

C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya