Asensio oo seegi kara kulanka Sabtida ay ciyaarayso Real Madrid

Sida wararku ay sheegayaan Marco Asensio ayaan ka qeyb qaadan tababarkii kooxdiisa Real Madrid ay sameysay Khamiistii oo ay isugu diyaarinayso kulanka Berri.

Waxaana wararku ay intaa ku darayaan in Marco Asensio uu seegi karo kulanka kooxdiisa Real Madrid ay Sabtida berri ah la ciyaari doonto naadiga Malaga.

Xiddiga xulka qaranka Spain ee Marco Asensio ayaa muuqda mid la dhibtoonaya dhaawac ka soo gaaray kulankii Champions League ee ay kooxdiisa Real Madrid nus-darsanka goolasha ah kaga badisay naadiga APOEL.

Macallinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane oo ah shaqsi caan ku ah siyaasadda in aan ciyaartoyda dhaawacan wax khatar ah loola bareerin ayaa la filayaa inuusan safi doonin Asensio kulanka Sabtida.

Dhinaca kale Gareth Bale ayaa isna seegi doona kulanka Sabtida ee Malaga, inkastoo lagu wado inuu maanta tababarka dib ugu soo laabto, haddana waxaa loo badinayaa inuu soo laaban doono kulanka ay Los Blancos wajahayso kooxda Fuenlabrada ee Copa de Rey.