Home Ciyaaraha As Monaco oo ku guuleysatay Horyaalka Faransiiska kadib guushii ay ka gaareen...

As Monaco oo ku guuleysatay Horyaalka Faransiiska kadib guushii ay ka gaareen Saint-Etienne

SHARE

As Monaco ayaa ku guuleysatay horyaalka faransiiska kadib markii ay guul muhiim ah ka gaareen Saint-Etienne waxeyna soo afjareen gumeysigii Paris Saint Germain ay ku heysatay horyaakaas.

Paris Saint Germain ayaa ku guuleysatay afar xilli ciyaareed oo xiriir ah intii u dhaxeysay 2012/2013 ilaa 2015/2016, balse xili ciyaareedkaan waxaa taliskoodii soo afjaray As Monaco.

Kaliya waxey u baahnaayeen barbaro si ay u xaqiijiyaan hanashada balse waxey gaareen guul 2-0 ah markaas oo ay goolasha ka heleen da’yarka Kylian Mbappe kaas oo dhaliyay goolkiisii 15-aad ee horyaalka Faransiiska iyo Valere Germain

As Monaco waxey horyaalka Faransiiska ku hanatay 92-dhibcood iyadoo PSG ay fadhiso booska labaad iyadoo leh 86-dhibcod – hal kulan ayaana haray in lasoo afjaro xilli ciyaareedka.

Waa markii ugu horeysay oo ay Monaco ku guuleysato horyaalka tan iyo 1999-2000, waana markii 8-aad oo ay ku guuleysanayaan horyaalka faransiiska.

Radamel Falcao ayaa noqday gooldhaliyaha ugu sareeya kooxdaan 21-gool ayuuna horyaalka ka dhaliyay, sidoo kale waxey gaartay final-ka Coupe de la Ligue iyo semi final-ka Coupe de France labada jeerna waxaa guusha ka helay PSG.