Arsene Wenger ayaa sheegay in uu ixtiraamaya go’aanka Jamie Vardy uu ku diiday kooxda Arsenal si uu ula sii joogo Leicester City,
Tababaraha kooxda Arsenal ayaa nasiib wanaagsan iyo mustaqbal horumar leh u rajeeyay ciyaaryahanka xulka England Jamie Vardy.
Gunners ayaa la rajeynayay in ay 29-sano jirkaan lasoo wareegaan, ka dib markii ay kula heshiiyeen qiimaha lagu burburin karay qandaraaskiisa Leicester City oo ahaa £ 20m,
Laakiin waxaa lagu dhawaaqay Vardy, oo dhaliyay 24 gool xilli ciyaareedkii hore in uu sii joogi doono Dawacooyinku islamarkaana uu u saxiixi doono heshiis cusub kadib Euro 2016.
“Waxaan qabaa in Leicester ay ku guuleysteen in ay waxkasta ka dhaadhiciyaan Vardy ,Waxaan u qabnay xiiso waa sax, laakiin waa in aan ku qanacnaa go’aankiisa,” ayuu Wenger u sheegay beIN Sports.
“Waxa uu go’aansaday inuu sii joogo Leicester kama xumin nasiib wacan ayaan lenahay isaga, ayuu hadalkiisa ku daray macalinka Arsenal Wenger.