Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inay ka fekerayaan sidii Mustaqbalkiisa ay ugu heylahaayeen Emirates Alexis Sanchez oo waayadaan lala xiriirinaayo inuu ka tagayo naadiga.
27-jirkaan ayaa mar kale labo gool dhaliyay ciyaartii Bournemouth shalay wuxuuna sidaas ku sameeyay dhamaan tartamada 10-gool.
Warar badan ayaa soo jeedinaya in Sanchez uu hoos u dhigay heshiis cusub uu u saxiixi lahaa Gunners-ka waxaana hada u haray heshiiskiisa 2-sano.
“Waa muhiim heshiiskaas,” Sidaas ayuu u sheegay Weriyayaasha.
“Sida muhiim noogu yahay heshiiskaan waa mid iska cad, Ma ogi hada arintaasi oo wax badan aan ka sheegi karo laakiin marka uu dhamaado ayaan idin sheegi doonaa wax walbo laakiin waxaan idin sheegayaa inuu ku faraxsan yahay Joogista naadiga.”
Sanchez ayaa la soo warinayaa in toodbaadyada soo aadan loo bandhigi doono heshiis cusub waxaana kooxdaan uu kaga soo biiray Barcelona.