Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday iney sameysay saxiixii ugu horeeyay suuqa jiilaalka January, waxeyna lasoo saxiixatay daafaca tayada wanaagsan ee Konstantinos Mavropano.
20-jirkaan tayada wanaagsan, wuxuu kaga soo biiray dhanka iyo kooxda PAS Giannina, wuxuuna kaliya kasoo muuqday kooxda 16-kulan horyaalka Greece, isagoo kaliya heerka koowaad usoo dalacday xagaagii laga soo gudbay.
“Waxaan jecelnahay inaan kooxda kusoo dhaweyno Konstantinos, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan” ayaa lasoo qoray taasoo ka dhigan inuu xidigaan helay soo dhaweyn fiican.
Xidigaan markii ugu horeysay wuxuu kooxdiisa u saftay kulan ay November 2016 ka hor tageen Agrotikos Asteras, wuxuu ciyaaray 90-daqiiqo isagoo ka caawiyay in kooxdiisa aan wax gool ah laga dhalin.