Arsenal ayaa booqatay CSK Moscow si ay ula ciyaarto lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka tartanka Europe League.
Gunner waxaa ay kulanka hore kusoo adkaatay 4-1 taasoo ay uga dhigneyd in ay hore u shaqeysatay inkastoo Moscow ay niyad wanaagsan ay laheyd.
kulankani wuxuu ahaa kii afaraad ay labadaan koox ay is wajahaan (2-kulan 2016 & 2-kulan 2018) xilli Igor Akinfeev, Aleksei Berezutski, Vasili Berezutski iyo Sergei Ignashevich ay kusoo bilaawdeen dhamaan afarta kulan.
safafka labada kooxood ay kusoo galeen:
CSKA Moscow : Akinfeev, Berezutski, Ignashevich, Berezutski, Nababkin, Bistrovich, Kuchaev, Dzagoev, Golovin, Musa, Chalov
Arsenal : Cech, Bellerin, Monreal, Mustafi, Koscielny, Elneny, Wilshere, Ramsey, Welbeck, Ozil, Lacazette.
ciyaarta si dagan ayey ku bilaabatay Gunners oo dooneysay shabaqeeda in ay ilaalsato iyo CSK Moscow oo dooneysay in ay usoo gudubto wareega afar dhamaadka tartanka Europe league.
Xhake ayaa seegay kulanka Moscow kaasoo badalkiisa la ciyaar siiyay Elneny.
Chalov ayaa qeybta hore ee ciyaarta CSK Moscow ciyaarta gool u dhaliyey kaasoo isku natiijad aciyaarta ka dhigay 1-0 oo ay Moscow ku hogaaminaysay, 2-4 ayey noqoneysaa markii lagu daro natiijad kulanka hore.
sidaasi ayaana lagu kala nastay qeybta hore ee ciyaarta.
markii dib lisugu soo laabtay Nababkin ayaa shan daqiiqo ciyaarta qeybteeda labaad iyadoo socto goolka labaad ka dhalinayay Gunners, waxaana u ka dhigay 2-0.
Cech shabaqiisa ma uusan ilaalsan ku dhawaad 15-kulan ee u dambeysay, micnaha hal kulan kaliya ayuu shabaqiisa ilaalsaday goolhayahaani.
Ramsey, Welbeck ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta laba gool u dhaliyeen Arsenal sidaasina ciyaarta ku noqotay 2-2, isku celcelis ahaana labada kulan waa 6-3, sidaasina ayey ciyaarta kusoo idlaatay Arsenal ayaana afar dhamaadka tartanka iska xaadirisay.