Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay cusbooneysiyeen xiisahooda ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton Victor Wanyama.
Burburiyaha khadka dhexe ayaa muddo dheer diirada u saarnaa kooxda Arsenal, laakiin Saints ayaa diiday xiisaha uga imaanaya Gunners ciyaaryahankeeda.
Mathieu Flamini iyo Mikel Arteta ayaa labadoodaba qarka u saaran inay ka tagaan Emirates, Wenger ayaana raadinaya badelkooda macquulka ah.
Xiddiga u dhashay Kenya ayaa soo jiitay indhaha kooxda Arsenal mar kale ayayna isku dayi doonaan saxiixiisa.
Arsenal ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Rolando Aarons.
Xidigan 20-sano jirka ah ayaa lagu wadaa inuu ka tago St James ‘Park dhamaadka xilli ciyaareedkan.