Arsenal oo bangiga u jabineysa si ay usoo qaadato laacib ka tirsan...

Arsenal oo bangiga u jabineysa si ay usoo qaadato laacib ka tirsan Dortmund

SHARE

Kooxda Arsenal ayaa sheegtay inay lacago aad u fara badan ugu tala gashay si ay u soo qaadato weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang taas oo gaareysa ilaa £ 80 milyan, suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababare Arsene Wenger ayaase wajahay tartan adag oo kaga yimaada Real Madrid, waxaana xusid mudan in dhaliyahan uu ku celiyay bishii December, inuu doonayo inuu maalin maalmaha ka mid u ciyaaro kooxda reer Spain.

Laakiin SportsBild ayaa haatan sheegaysa in Madrid ay ka hadashay saxiixa uu ku imaan karo kooxda Aubameyang, balse ciyaaryahanka heerka caalami ee qaranka Gabon ayaanan lahayn shuruudaha uu ciyaaryahan ku dooqdo macalin Zinedine Zidane.

Kooxdiisa Real Madrid ayaana qaboojisay xiisaheeda Aubameyang ku aadan. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Aubameyang ay weli doonayaan kooxaha maal qabeenada carbeed ay leeyihiin ee Paris Saint-Germain iyo Manchester City.

Aubameyang ayaa qaab ciyaareed fiican kula jira Dortmund xilli ciyaareedkan, isagoona dhaliyay 20 gool 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ilaa iyo haatan.