Home Wararka Arday lagu Weeraray Galgaduud

Arday lagu Weeraray Galgaduud

SHARE

Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay Arday ka timid degaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud,kuwaa soo kusoo jeeday Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Kooxahaasi oo la aamisan yahay in ay ahaayeen Maleeshiyo beeleed ayaa dhaawacay ku dhawaad 3 Arday oo gaarigii ay weerareen Saarnaa.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa 6 Arday iyo sidoo kale darawalkii waday Gaariga.

Faarax Bootaan Shaacuur oo ka mid ah waxgaradka degaanka Dhabad ayaa Risaala u sheegay in dadkaasi ay weerareen Maleeshiyo Beeleed.

Ardayda ayuu sheegay in ay waxka baran jireen Iskuul ku yaalla degmada Caabudwaaq,islamarkaana ay u yimaadeen degaanka Dhabad Qaraabo Salaan.