Arda Turan oo ka hadlay mustaqbalkiisa, miyuu ka tagayaa kooxda Barcelona?

Xiddiga khadka dhexe ee Arda Turan ayaa biyo qabow ku shubay wararka la isla dhexmaryo ee soo jeedinayey inuu doonayo inuu isaga tago kooxda kubadda cagta Barcelona.

30 sano jirkaan ayaa si wayn loola xiriirinayey inuu amaah ku aadi doono kooxdiisii hore ee Galatasaray ee ka dhisan Waddanka Turkiga intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Si kastaba, Turan ayaa soo jeediyey inuu aad ugu faraxsan yahay garoonka Camp Nou, isla markaana uusan dib ugu laaban doonin kooxdiisii hore ee Gala, maxaa yeelay waxa uu sheegay in taageerayaasha aysan doonaynin isaga.

“Anigu waan joogayaa, aad baan ugu faraxsanahay halkaan, waxaan ku jiraan heshiis kale oo saddex sanadood ah, Galatasaray waa gurigeyga, laakiin waan ogahay in aysan i doonaynin aniga taageerayaasha, mana doonayo inaan waxyeelleeyo kooxda.” ayuu  Turan u sheegay Beyaz Futbol.

Turan ayaa u dhaliyey 12 gool kooxda reer Spain tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii 2016-17, laakiin kaliya waxa uu safka hore ee La Liga ku soo bilowday 14 kulan.