Home FAALLOOYINKA Aragtideyda Doorashada cid uma aan gefin By Mascuud

Aragtideyda Doorashada cid uma aan gefin By Mascuud

SHARE

Maanta waxay aheyd maalin taariikh u ah shacabka Soomaaliyeed, muddo badan ayaa la sugayey isbedelka weyn ee dhacay inkastoo filimkaan daawashadiis bilow nagu aheynin haddana siba si ayay inoo dhaanta, sida aan ognahay marar badan ayaa dib u dhac ku yimaaday arrinta doorashada Soomaaliya gaar ahaan mida guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaweynaha oo ah labada ugu muhiimsan marka laga reebo tana ra’iisul wasaaraha oo aan laheyn saameyn sidaasi u weyn, dhowr maalin baaqasho kadib waxaa lagu guuleystay maanta oo ay taariikhdu 11/01/2017 in ay Shacidejiyaasha Soomaaliya { Xildhibaanada Soomaaliya}ay afhayeenka ama gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya u doortaan Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari markiisi labaad, uuna hogaamin doono afarta sano ee soo socota {2017-2021 } Siyaasigan 72 jirka ah kuma cusba Saxada Siyaasadda, waana sababta mar kale u sahashay si dhaqso leh oo aqlabiyad ah inuu ugu guuleysto xilka guddoomiyaha baarlamaanka dowladda dhexe.

Markan aan dib u milicsado sida ay wax u soo socdeen ama sida aan wada ognahay doorashada Madaxweynimo ee Soomaaliya waxaa u sharaxn in ka badan 18 musharrixiin kuwaas oo raba in ay si fudud ku qabtaan hoggaanka ugu sarreeya dalka, Musharrixiintaan waxaa ay isugu jiraan ogaalkeyga markii aan soo koobo 2-qeybood oo kala ah:

1) Musharax xamaali ah oo u soo shaqeeya musharx kale laga bilaabo maalinta ololah ilaa maalinta doorashada ka dhaceysa kuwaas oo inta badan xildhibaanada ka soo jeeda beeshiisa ugu qalqaaliya sida ay ku heli lahaayeen codkooda ama ugu dhiiragelin lahaa sida uu codkaada u siin lahaayeen musharraxa isaga xamaaliga u yahay, uuna la doonayo in uu guuleysto si haadhow looga dhigo ugu yaraan Agaasime Wasaaradeed, ileyn Shaqo la’aan ayaaba heysatay, ama dhowr ganacsi ayuu ku fashilmay, dhowr sano kadibna dibadda ku dhuunta isagoo wali ku baxaya magaca ah Siminaar ka qeybgalid, si u halkaas uga soo helo Passpor Ajnabi ah { Foreign Passport }, ugu dambeyn sidaasi doorashada dambe dhaceyso Saxaafada lasoo istaago doorashada ayaan ka geybgalaya, oo maba ahan kii shalay xamaaliga ah, Saxaafadana ay sii buunbuuniso noogana dhigto nin isbedel keeni kara, si Siyaasada kusoo galo mar un.

2) Musharixiin raba in mar un Madxweyne la dhaho amaba lagu shah cabo makhaayadaha magaalada caasimada Muqdisho gaar ahaan kuwa ku yaala Tre-piano, in uu noqday nin u tartamay Jagada madaxtinimo ee Soomaaliya, tusaale waxaa ku jira kuwa dhowr jeer soo tartamay oo aan quursaneynin, xitaa aysan soo gaaraynin wareega kowaad, lacagta ay doorashada kaga baxeyso ma dhaafsana boorka iyo isdiiwaangelinta Shahaadada tartanka, mararka qaar waxaan is yiraahda kuwaas maa loo geeyo Dhkhtar Xabeeb si u daaweeyo, laga yaaba in madaxa looga jiro, mararka qaarna waxaaba is yiraahda afar sano ayuuta soconeysa miyey galaan ileyn afartii sano marbaanu aragna, muhiimadooda ma ahan in ay heer sare doorashada ka gaaraan, oo lacag fara badan kaga baxdo ololahooda madaxtinimo ee Soomaaliya, ee waxaa uuba ku qanacsan yahay 2 cod in uu helo oo Khudbadiisa Musharaxnimo u jeediyo xildhibaanada 275 xildhibaan ah, sidaasina uuba ku yahay siyaasi maqaam sare uu ka gaaray Siyaasadda Soomaaliya, tusaale ma aragteen musharixiinta noocaas oo kale qaarkood iyagoo Jagooyin kale dowlada ka qabtay sida Gudoomiye Gobol iwm ?

Yaa ku tartamay Doorashadii Maanta 11/01/2017 ee Afhayeenka Baarlamaanka?

Sida aan ognahay waxaan wax ku wada qeybsana nidaam loo yaqaano 4.5 oo iila ah nidaam aad u khaldan fikirkayga, nidaamkaan ma rabo ka sheekeyntiisa in aan ku dheeraado laakin waxaan raba tusaale yar in aan idinka siiyo, seddaxda jago ee wadanka ugu sarreeya, 1- Madaxwene 2- Ra’iisul Wasaare 3- Guddoomiye Baarlamaan, midkood haddii beel ay qaadato beelaha Soomaalideyda mid labaad uma tartami karaan, tusaale adigoo xanaaqin, tartankii maanta oo kale waxaa ku tarmayey afar qof, laakin nidaamkan 4.5 markii loo eego waa 2 qof, Geesey, idris, iyo Jawaari waxay ku tartamayeen magaca beesha Raxweyn ama Digil iyo Mirifle sida u taqaanid hadba, Seddaxdood midkii guuleystaba isku hal darajo in ay heystaanbeesha Raxweyn ayuu nidaamkan u yahay, isla Beesha raxweyn waxaa mar sii horreeysay Madaxtnimo isku sharxay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu hada ah hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo, Cabdirashiid Xidig waxaa uu kaligii u tartamayey Beesha Daarood, Puntland iyo Jubbaland hadaa rabtid sidaas ayaan kuu fahan siinaya, aan iyagu xitaa raali ka aheyn sida laga dheehan karay wajiyadooda tusaale Madaxweyne Faroole oo shalay u ambabaxay Kenya, hadal u jeediyey Warfidiyeenada waxaa hadaladiis ka mid ahaa “ Xasan Seekh waa inuu igu daydaa oo sidii aan xilka u wareejiyey markii aan ahaa madaxweynaha Puntland u wareejiyo haddii laga guuleysto, haddii uu guuleysto ha lala shaqeeyo” una muuqdey xilligaasi Musharrax quursadey mar hadiiba beeshiis Xidig ku noqday laf dhuungashay laakin laga yaabo in oidaygu maalmaha soo socda soo rogaalceliyo oo Muqdisho soo gaaro, Farmaajo, Cumar Cabdirashiid iyo Cali Xaaji Warsame oo iayguna u sharax Jagada Madaxweyninimo ee Soomaaliya kuma qanacsaneyn in Xidig u tartamo jagada maanta u tartamay.

Maxaa Keenay Jawaari in uu cadaadis la kulmo Doorashadii Maanta ?

Muddo laba bilood kahor doorasho ka dhacady magaalada Baydhabo ee xarunta koonfur galbeed ayaa waxaa xildhibaan loogu doortay ninka maanta loo doortay Afhayeenka Baarlamaanka Dolwlada dhexe ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kahor inta uusan u tartamin xilkaas, Jawaari waxaa uu kulan la qaatay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku saabsan sida ay Beesha Raxweyn markaan ugu tartami laheyd Jagada Madaxweyninimo ee Soomaaliya, aysan markan u cunsameynin markan guddoon Baarlamaan, Jawaari waxaa uu ahaa shaqsiyaadka haminayey in ku biiro liiska Musharixiinta Madaxtinimo ee Soomaaliya oo dhawaan isdiiwaan-gelin doonaan laakin Shariif Xasan ayaa ka biyo diiday sababtuna ku sheegay in isaga qudhiisa shariifku hunguriyeenaya xilkaasi aysan suurtagal noqoneynin in ay isla tartamaan, wuxuuna u sheegay in uusan jawaari u tartamin xilka maanta uu ku guuleystay oo ah gudoonka Baarlamaanka, uuna la rabo Xidig si uusan Xasan Sheekh cadaadis ugula kulmin Beesha daarood gaar ahaan Farmaajo iyo Cumar cabdirashiid oo hada ah Ra’iisul Wasraaha Soomaaliya maadaama aysan jirin Musharax Madaxweynimo kale oo ku haysata Shariif Xasan, Xasan Sheekh na aan cabsi ka qabin Shariif Xasan, sidaas darteed ayuu jawaari usoo jeediyey Shariif Xasan talo ah in uu marka horay iska iska casilo Xilka koonfur galbeed, ka dib macquul tahay in uu tartami karo, Shariif hadalkaas aad buu aga xanaaqay wixii maalintaas ka dambeeyena xiriirkooda waa uu istaagay, oo waxay noqdeen laba istaqaano isma gaadaan, ujeedka Jawaari ma uusan aheyn in mar kale u tartatmo Jagada maanta ku guuleystay laakin waxaa uu rabay talo iyo tusaale in ay wadaagaan isaga iyo Shariif Xasan ugu yaraan markaan in ay helaan Ra’iisul Wasaare.

Jawaari tartan adag kadib, Jagadiis Xildhibaan ayuu ku guuleystay isagoo cadaadis fara badan kala kulmay dhinac kasta, muddo ka dib Shariif Xasan ayaa go’aan ku gaaray in ay adkaato sida uu ku soo bixi lahaa Jawaari, wada tashi isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay wada qaateen waxaa la keenay Xidig oo maalgelintiisu bixinaysa itoobiya in la qarash gareeyo, Jawaarina waxaa uu la yimaaday Siyaasad ka duwan midda la wado oo wuxuu go’aansadey in idiris Cabdi kusoo biiriyo dadka la tartamaya si magac loogu buuxiyo halkaas, aysan arrinta u gudbin { jagada guddoonka Baarlamaanka } beesha Raxweyn gudaheed, in muddo ah kadib waxaa shaxda bedelay Shariif Xasan oo waxaa la soo sharxay Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ah Wasiirada maamulka koonfur galbeed kuna magacaaban Wasiirka Amniga ee maamulkaas, Geesey waa nin wanaagsan oo wax badan soo qabtay, aadna loo jecel yahay hogaamintiis wanaagsan, dadka Falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya inta badan waxay hami kaga jiray in Geesey iyo Xidig loolan adag maraya laakin waxaysan ogeyn in labadoodaba hal ujeed ay ahaayeen, aan isku darsano wareegga labaad arrintu aheyd laakin wareeg labaad la islama gaarin.

Hadda waxaa soo baxay Jawaari, waxaa boorsadiisi xeranaya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah in uusan u tartami Karin Madaxweyninmo ilaa laga gaarayo sanadka 2021 insha Allah, haddii Xidig soo bixi lahaa Siyaasada Soomaaliya 25 sano ka dib waxay yeelan laheyd weji cusub aan horay noo soo marin Sabatoo ah waxaa iyaga si wadajir ah boorsooyinkooda u xir-xiran lahaayeen Musharixiin caawa u dabaal degaya guusha Jawaari uu ka mid yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cali Xaaji Warsame, laakin taas ma aysan dhicin haddaba asxaabtaas Xasan Sheekh in ay la tartamaan ALLAH ka sokow Jawaari ayaa u saxiixay, Codadka Xildhibaanada maanta codeeyeen tirade guud waxaa ay ahaayeen 259 cod, 2 cod waa ay halaabeen, 2 Cod waxaa helay idris, 17 Cod waxaa helay Cabdifitaax geesey, 97 cod waxaa helay Cabdirashiid Xidig halka Jawaarina uu helay 141 Cod inakstoo sharcigu doorashada uu yahay 139 in uu guuleystay, hadana 2 ayuu ugu daray si uu u muujiyo in labada far u taagay loolanka adag dadka la galay.

Dad baa guusha jawaari u arkay in uu rumoowey halku dhigii Xasan Sheekh oo ahaa “ Qabyo qofkeeda dhimiystira” dadkaas waxaan leeyahay Siyaasadu saaxib joogta ah malahan, Jawaari iyo Xasan Sheekh markan waa ay kala aragti duwan yahay, jawaarina waxaa uu ku soo baxay laba arrin, midda kowaad waa nin aqoon leh khibrad iyo waayo-aragnimo ballaaranu leh dejinta sharciga, dowladii Siyaad barre xilal ilaa heer wasiir ka soo qabtay, kuna kalsoona in ay dooranayaan oo codkooda ka helya Xildhibaanada maanta doorteen, mdda labaad waa qof dulqaad badan waxaan tusaale idinku filan nidaam daradii Baarlamaanka ay ku dhaqmayeen tusaale inta ay maryo ama warqado wax ku soo qoraan ay hees qaadaan ma Dastuurka Kumeel gaar ayaa qoraya? in guddonka oo hadlaya lagu booqo ma Ajandayaasha Baarlamaanka ayuu ka mid yahay ? haddi meehsa Jawaari joogo ay cid kale joogi laheyd sidii Baarlamankii kumeel gaarka ahaa oo kale laba guddoomiye ayaa lagu shaqeyn lahaa foodada awgeed,Jawaari intaas waa u dulqaatay, waxaa ayna ka mid ahaayeen waxyaabihi lagu jeclaaday dulqaadka intaa la eg uu muujiyey.

Siyaasada Shariif Xasan hada ogaada sidaan kuma aysan dhamaanin Shariif Xasan horayba Madaxweyninimo Soomaaliya ma uusan rabin, kaliya ujeed buu lahaa, waxaa laga yaaba odaygu in uu lasoo baxo shaxdiisi wax ku kala furi lahaa oo waxaa laga yaaba in 18 musharrax oo maanta ay heshiiyeen in uu kala daaliyo oo qaarkood laga yaaba in Xasan Sheekh u weeciyo, sida aad ugtihiin dib u xasuusta heshiiskii Kampala 2011-kii waa ninkii Farmaajo kalifay in uu is casilo, iyadoo la islahaa Shariifka ayaa guddoonka Baarlamaanka iska casilaya oo Madoobe Nuunow howshiis wadanaya, waxaasi xusid mudan in Xasan Sheekh dan ugu jirta in ay wada socdaan isaga iyo Shariifka waayo Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ama aan iraahde kuwa koonfur galbeed waa kuwa codkooda lagu tasho musharixii raba in uu guuleystana la’aantood ay ku adkaaneyso.

Saadaasheyda Madaxweynaha Soomaaliya

Marka hore Allah subxaanahu watacaala ayaa ku caalim ah hogaamiyaha la dooran doona 28-ka bishan janaayo 2017-ka laakin sida saadaasheydu tahay doorashadan waa ay adag tahay Shaqsiga in la magacaabo, ayadoo aan ognahay in ay ka adag tahay tii dhacday 2012-kii, doorashadaasi waxaa ay aheyd mid kooban hogaamiyaha xilligaas uusan laheyn mucaarad badan, halka tan hada ay wada yihiin dadka la tartamaya madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh siyaasiyiin aad aga soo horjeeda Siyaasadiis, qaar ka mid ahna uu ku muteystay xil ka qaadis jago ay horay u haayeen uu ka qaaday sida Tarsan oo oo kale, waxaa kaliya kursigaan ku tartami kara 3 beelood, Hawiye Daarood, Dir, beesha Afaraad oo ah Raxweyn ama Digil iyo Mirifle  xaqqooda maanta ayaa Jawaari u qaaday, waxaasi xusid mudan in laba beel uu dhax yaali doono oo kala aha Hawiye ama Daarood, maadaama Beesha Dir inta badan ay qaataan Arrima dibad iyo kuxigeen Ra’iisul wasaare.

Saaxib horta ma isweydiisay wixii ka dambeeyay Dowladii Siyaad Barre Allah u naxriistee, sida loo soo maamulay kursigaan aan isku dilno ? ka soo bilaab Dowladii Cabdiqaasim, ilaa mida hada jirta, 2000-2003 Beesha Hawiye ayaa ku guuleysatay muddo 3 sano ayuu wakhtigii loogu talagalay uu ahaa, Cabdiqaasim ayaana Madaxweyne loogu doortay doorasho ka dhacady dalka Jabuuti, 2004-2009 Beesha Daarood ayaa ku guuleysatay kuriga Madaxwenimo ee Soomaaliya waxaana Madaxweyne ka noqday Cabdulaahi Yuusuf Allah ha u naxriisto laakin sanad oo wakhtigii loo igmaday ka dhiman ayuu iska casilay doorasho ka dhacady dalka Kenya, 2009-2012 waxaa ku guuleesatay Beesha Hawiye waxaana Madxaweyne ka noqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed doorasho ka dhacady markale dalka jabuuti, 2012-2016 waxaa mar kale doorasha ka dhacaday Muqdisho ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud, Su’aal maku weydiin karaa waa adiga qoraalkayga aqriisaneyee, Maxaa Beesha Raxweyn u diiday Madaxweyninimo ama Ra’iisul Wasaare ?

Musharixiinta ku dhow 20-ka waxaa isku soo hari doona afar musharax oo aan isleeyahay haddiiba ay dhicin doorashadii ka dhacady Mareykanka oo kale, waxaa shaki ku jirin oo aan wada ognahay dhamaanteena in Xasan Sheekh juhdi badan ku bixiyey sidii mar kale loo dooran lahaa, waana tan keentay in saaxibkiis Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku waayo xilkii Madaxtinimo ee Galmudug, inkastoo Guuleed ka biyo diiday go’aanka Baarlamaanka galmudug, lagana yaabo Shariif Xasan qudhiisi waji cusub in uu ku furmo oo odaygu ay ku soo jeestaan Xildhibaanada koonfur galbeed loo diiday in ay kalfadhyo{ kulamo }yeeshaan, ayna ka hadlaan arrimaha maamulka Koonfur galbeed, golaha wasiirada warkooda iskaba daa in ay kulmaan horta ma shaqeeyaan isweydii ?

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu haystaa oo aysan Sahki ku jirin Xildhibaanada labada maamul oo kala ah Hirshabeele iyo Galmudug oo aad moodid dhisitaankooda dowladiisu in ay kharash badan kaga baxay, laakin waxaan aysna ka liidanin oo meesha laga saari Karin oo aan aaminsan nahay Labadaan Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdulaahi farmaajo haddii ay is biirsadaan in ay labadood mid soo bixi karo, aan kuu sababeeyo Sheekh Shariif waxaa uu kalsooni buuxda ka haystaa dhammaaan Musharaxiinta oo ugu horreeyo Tarsan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo kuwa kale fara badan, yaan kaa ilaabin Xildhibaanada Puntland, Jubbaland iyo qaar ka mid ah Koonfur galbeed in uu kalsooni ka haysto, inkastoo Shariif Xasan laga yaabo in uu u soo dhameeyo inta ka harsan codadka kalsoonida ee kaga maqan dhanka Koonfur Galbeed balan qaadna loo sameeyo in Shariifka ugu yaraan Shariif Xasan walaalkiis Cabdinuur oo hada ah Wasiirka Caafimaadka laga dhigo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, laakin waa shuruud oo ah waa marka Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan is khilaafaan.

Musharrax Farmaajo, markan waa uu isku kalsoon yahay, sida tan maanta dhacday waa macquul in ay xildhibaanadu kala gartaan qofka mudan in Shacabka hogaamin kara, Annigu shaqsiyadeyda ma aaminsani in Xildhibaanada Baarlamaanka ay yihiin kuwa lacag qaata oo musharixiintu ku kala gadanaya codadkooda balse ay yihiin kuwa wadanniyiin oo markaan u soo jeesteen badbaadinta dalka, dadka iyo weliba diinta sida ay u badbaadin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed oomuddo dagaalo aan dhamaad laheynku jiray, waxaa laga yaaba Farmaajo khudbada uu jeedinayo Musharxnimadiisa in ay in badan Xildhibaanada ka mid ah ay la qiiroodaan kadibna halkaas ay kaga dhalato isbedel wadaniyad oo si aan horay loo arkin u dhacdo, sida aan ognahy Xildhibaanada hada la doortay waa kuwa inta badan ku cusub Nidaamka Siyaasada ee Soomaaliya, waan ognahay in qaarkood deen lagu leeyahay oo dhaqaala badan kaga soo baxay sida mar un u noqon lahaayeen Xildhibaano, laakin wax weliba waxaa ka muhiimsan baahida bulshada oo la eego, loona tixgeliyo codsiyadooda ku aadan shaqsiga ay rabaan, sidaas darteed hadiiba Farmaajo wareeggga kowaad ka soo gudbo waxaan rajo ka qaba in uu guulgaarayo, maadaama laga yaaba inta badan Musharixiinta codkooda ciil ay Xasan Sheekh u qabaan in ay Farmaajo siiyaan, si uu isaga u hogaamiyo Soomaaliya afarta sano ee soo socota 2017-2021.

Jibriil Ibraahim Cabdulle waa shaqsi aan la yareysan Karin, haba ku cusbanaado Siyaasada, laakin jibriil waa Shaqsiga kaliya ee Xasan Sheekh cabsi weyn ku haaya in Xagga jibriil kaga yimaada cadaadis weyn, Jibriil waxaa uu ogyahay waxaa aysan musharixiinta la midka aysan ogeyn, tusaale waxaa ay Xasan Sheekh is kala soo shaqeeyeen Hay’adda CRD oo hadda Jibriil madax ka yahay, Xasan Sheekh dadka garabka ku siiyey in doorashadii 2012 ku guuleysto Jibriil ayaa ka mid ahaa, inkastoo odayashu markii dambe is khilaafeen, hadana Jibriil waa nin ay wada jecel yihiin bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan wax badana la socda, ogna halka ay guushu aga dhowdahay, Jibriil waxaa uu cabsi weyn ka qabay Xildhibaanada Koonfur Galbeed, bal dib u xasuuso safar ayuu Baydhabo ku tagay si uu ula kulmo hogaanka oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka, isla maalintii xigtay Xasan Sheekh ayaa asna ka degay Baydhabo si, asna howshiis halkaas aga sii bilaabo, Jibriil wuxuu booqasho ku tagay qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka, marka laga reebo Hirshabeele iyo Galmudug, bal sabata ma ii sharxi karta ? wuxuu ka dorbiday in Beledewyne uu aado, ileyn la isma gaadi karo waaba lais ogyahay.

Faragelinta Arrimaha Soomaaliya Ee Beesha Caalamka

Inta badan waxaan maqli jiray beesha caalamka ayaa faragelin nagu haysa, laakin doorashadan waxaan ka bartay cashar ah in Beesha caalamka banaanka ka tahay, oo sida Shacab weynaha Soomaaliyeed oo kale daawadayaal ay ka yihiin waxa ka socda Soomaaliya, tusaale waxaa maamul kasta la siiyey dhaqaalihii u baahna, waxaana mar weliba lagu dhiirageliyey in ay soo xushtaan xildhibaanada bulshada ay ku qanacsan yihiin, haddii ay khilaaf dhacaan xitaa hoggaanka beesha caalamka goob jog kama ahan, oo waa tii la sameeyey guddi madax banaan oo doorashooyinkan maamula, korna kala socda, wixii khaldan isku daya in uu saxo, laakin waxaan goob joog u ahaa musuq-maasuqyadii doorashadii xildhibaano ee dalka ka dhacay, mana rabo cidda guuleysatay iyo shaqsiga la dulmiyey midna in aan magacooda carabaabo, sidan ayey u dhacady “ 51 qof ayaa soo dooraneysa halkii xildhibaan, waxaa 51-daas lacagtooda ticketka bixiyey Xafiiska Qaramdada Midoobey u qaabilsan doorashada, waxaa la sameeyay oo la gudbiyey si qarsoodi ah Magacyadii 51-da qof la rabay in Muqdisho laga qaado lana geeyo Baydhabo, durba waxaa la diyaariyey 51 qof kale, oo aan aheyn kuwii rasmiga, isla daqiiqadii waxaa la geeyay Baydhabo sida loo waday xitaa cabitaan lama siinin hoolkii doorashada ayaa si toos ah u galeen, waxaa ayna u codeeyeen midka ay bulshada rabtay ma ahan mid kale oo lacag ku bixiyay in uu helo jagadaasi, oo ku darso goobta kuma uusan sugneyn qofkii la tartami lahaa, oo xaqna u lahaa tartanka, waxaa arrintii maqlay qofkii tartankiis la boobsiyey xaqna u lahaa bulshadana ay jecleyd markii uu arrintu maqlay ayuu go’aan ku gaaray diyaarad khaas ah in uu wafdiga soo qaado, lacagta 51-da qof jeebkiis ka bixiyo, maadaama tii UN-ka la musuqmaasuqay, waxay kireysteen diyaarad khaas ah waxaana lagu wada balamay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde , iyagoo fuuli raba { Raaci raba } diyaarada si ay baydhabo u geyso waxaa la soo wacay Milkiilihii diyaarada lahaa waxaana amar lagu siyey in uusan soo qaadin rakaabka 51-da qof, haddii kale laga qaadi doono ruqsankii shaqada { leeysinka } uu kaga shaqeesanayey Baydhabo ama deegaanada koonfur galbeed, Milkiilihi waxaa uu u yimid odayaashi wuxuuna u sheegay in uusan jebin Karin amarka la siiyey sidaas darteed uusan qaadi Karin lacagtiina u celiyay, sidaasi ayuu ku soo baxaya xildhibaanada hada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya mid ka mid ah, hadaaba su’aasha ayaa ah soo beesha caalamka kama soo bixin in Soomaaliya arrimaheed faraha kala baxdo, oo Soomaalidu ay noqdaan dad wax wada qeybsada, haddii itoobiya kaliya faragelin nagu hayso ma itoobiya qura ayaa beesha caalamka matali karta ?

Ugu dambeyn Haddii doorashadu ay dhaqaalo noqoto waxaa fiinaal isugu soo baxaya Cabduqaadir Cosoble iyo Xasan Sheekh labada dhinaca dhaqaalaha waa ay ka dhisan yihiin, haddii Xildhibaanadu ay yihiin kuwa wadaniyiin ah ayna eegaan hoggaamiye dalkaan samatabixn kara waxaa soo baxaya Maxamed Cabdulaahi farmaajo, haddii la waayana Sheekh Shariif Sheekh Axmed, haddii ay xildhibaanadu noqdaan in aysan u wanaagsaneyn hogaamiye la arkay waxqabadkiis oo ay rabaan in ay tijaabiyaan mid cusub oo weliba daacadnimo ka muuqata waxaa ay dooranayaan Jibriil Ibraahim Cabdulle, inta kale soo haray waa sida aan hordhaca qoraalkeyga idinku sheegay oo kala ah, kuwa raba in mar un la dhaho Madaxweyne iyo kuwa xamaaliyaal ah oo musharx kale u shaqeenaya.

Fiiro gaar ah: Anniga qoraa iyo siyaasi toona ma ihi, waa macquul qoraalkayga dadka qaar in ay dhibsadaan in fikirkayga aan cabiro laakin cid aan toos u beegsanaya ma jirto, kaliya waxaan cabiray dareenkayga ku aadan doorashadan socota, wixii kuula wanaagsan waad igu diiragelin karta, wixii iga khaldan waad ii sixi karta, waxan u baahan nahay waa un isbedel aan ku heli karno caddaalad loo wada siman yahay, yaa tahay waa ay na dhibtay, ee maxaa taqaana aan shaqo ku helno, Mahadsanid.

Qoray: Mascuud Warsame isxaaq

E-mail: mascuudqaran@gmail.com