Anthony Martial ayay u muuqataa in weerar dadban ay ku qaaday kooxda Manchester United ka dib markii Labarka sagaal lagu warejiyay Zlatan Ibrahimovic iyadoo aan la wargelin.
United ayaa ku dhawaaqay isbuucii lasoo dhaafay Lambarada ay xiran doonana ciyaartooyda, Ibrahimovic ayaana la siiyey tirada sagaal iyadoo Martial looga qaday Adnan Januzaj maaliyada number 11.
Weeraryahanka cusub ee reer Swedish United ayaa markaas soo dhigay Instagram hadal uu ku cadeynayo in isagu uu doortay No 9.
Si kastaba ha ahaatee, Martial ayaa u muuqda mid aan ku faraxsanayn arintaan isagoo xitaa bedelay sawirkaa cover photoee Facebook, oo markii hore ahaa Martial 9.
Martial ayaa xiran doona lambarka cusub, oo ah midkii uu caanka ku ahaa halyeygii Manchester United Ryan Giggs kasoo ka fariistay kubadda cagta sanadkii 2014.
Si kastaba ha ahaatee, Januzaj, oo xirnaa No 11 ayaa loo wareejiyay No 15 , iyadoo isku dhaandheyn dhanka Lambarada ah ay sameysay xiddigaha waweyn ee kooxda Old Traffor