Madaxweyne cusub ayaa ee dalka Angola Joao Lourenco ayaa maanta lagu wadaa in xilkaasi loo dhaariyo.
Waxuu badali doonaa Jose Eduardo Dos Santos oo mudo labaatan sano ah dalkaasi xukumi jirray.
Madaxweynahan cusub waxuu xubin muhiim ah ka ahaa xisbiga talada haya ee MPLA.
Waxaa jirtay eedaymo loo jeediyo ninkan xilka ka sii degaya ee De Santos oo musuqmaasuq la xiriira.
Caruurtiisa ayaa marar badan lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin musuqmaasuq iyo wax isdabamrin.
Waxaana jirta in qaar ka mid ah ilmaha uu dhalay De Santos ay yihiin tujaar hanti badan haysta.
Dalka Angola waxa uu ka mid yahay wadamada ugu nolosha qaalisan dunida. Iyadoo dalkaasina uu saliida qani ku yahay.
Angola waxaa soo gumaystay dalka Boortaqiiska waana wadan soo kobcayay dhaqaale ahaan mudadan dambe.