Andres Iniesta oo si qiiro leh kaga hadlay in Real Madrid ku guuleysatay La Liga

Andres Iniesta ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Real Madrid in ay ku guuleysatay horyaalka LaLiga xalay.

Barca ayaa labo gool oo looga hormaray kasoo noolaatay, waxaana ay 4-2 ku garaacday kooxda Eibar kulan ugu dambeeyay La Liga iyo kii ugu dambeeyay ee macalin Luis Enrique.

Laakiin guushaas waxba uma soo kordhin, kadib markii Real Madrid ka badisay Malaga islamarkaana ay xaqiijiyeen hanashada horyaalka.

“Waa hagaag, waxaan ku guuleysanay kulankeena. Waxaan sameynay shaqo fiican, laakiin Real Madrid ayaa si fiican nooga badisay.

Hambalyo ayaan leeyahay iyaga,” ayuu yiri Iniesta, kaasoo diiday dhanka kale in Barcelona xili ciyaareed liita uu u ahaa sannadkaan.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay:. “ma dhihi karo waan guuldareysanay, waxaan sameynay wax nagu filan, laakiin hambalyo ayaan leeyahay kooxda Real Madrid ayuu hadalkiisa ku daray.

“Waxaan ogaa qeybtii labaad ee ciyaarta in aan sameynay wax badan, laakiin natiijadeena waxaa beeniyay Real Madrid oo ku guuleysatay La Liga ayuu yiri Iniesta.

Andres Iniesta wuxuu kujiraa sannadkiisii ugu dambeeyay qandaraaskiisa kooxda Barcelona, waxaana lagu wada inuu ka dhaqaaqo Bulgrana dhamaadka xili ciyaareedka dambe.