Home Ciyaaraha Andrea Pirlo Iyo Massimo Ambrossini Oo Shaqooyin Ka Qabanaya Xulka Italy

Andrea Pirlo Iyo Massimo Ambrossini Oo Shaqooyin Ka Qabanaya Xulka Italy

SHARE

Laacibkii hore ee xulka qaranka Italy ayaa qarka u saaran inuu noqdo caawiyaha macallinka cusub ee xulka qaranka Italy haddii uu noqdo Roberto Mancini.

Sida ay daabaceyso Calciomercato, Mancini qareenkiisa oo ah xaaskiisa ayaa Sivia Fortini ayaa la fariisan doonta madaxda xiriirka Italy ee kubadda cagta oo loo yaqaano FIGC si ay u ansixiyaan heshiis 2 sano ah oo ay ku heli doonaan €2m iyo gunnooyin.

Sidoo kale maalinta jimcaha ayay u duuli doontaa dalka Russia si ay ula kullanto madaxweynaha kooxda Zenit St Petersburg Sergey Fursenko si ay seygeeda heshiiska saddexda sano ah uu kula jiro kooxdaas u burburiso.

53-jirkaan ayaa waxaa safkiisa shaqaalaha kasoo muuqan doona halyeygii hore ee AC Milan, iyo Juventus Andrea Pirlo oo kabaha kubadda lagu laado iska siibay bishii October ee 2017.

Si la mid ah Massimo Ambrossini oo ay milan iskala tirsanaan jireen xilli ayaa isna isla shaqada caawiyaha macallinka ka qaban doona xulka 21-jirrada dalka Italy, waxa uuna la shaqeyn doonaa Luigi Di Biagio.