Ammaanka Britain oo la adkeeyay

Ammaanka dalka  Britain ayaa aad loo adkeeyay ka dib markii Qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Manchester ee dalkaasi.

Ra’iisul wasaarah dalka ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta ee Britain kaddib markii qiimeyn rasmi ah lagu sameeyay khatarta dalka ka soo wajaheyso argagixisada.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha ee Magaalada London.

Weerarkii ka dhacay magaalada Manchester ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 22 qof, waxaana sidookale ku dhaawacmay dad ka badan 50 qof.

Sida ay sheegeen booliska, weerarkaasi ayaa waxaa geystay Salmaan Abedi oo 22 sano jir ahaa.