Muqdisho-RisaalaFM- AMISOM ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii 23-kii bishan Jimcihii ina dhaaftay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka dambeeyeen xoogag ka tirsanaa ururka Al-shabaab.
Weerarka Shabaab ay geysteen oo watay laba qarax ayaa waxaa ku geeryootay ku dhowaad 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof, oo isugu jiray Askar iyo shacab, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii weerarkaasi ku dhintay, wuxuuna caafimaad u rajeeyey dadkii dhaawacmay.
Mr. Madeira ayaa sheegay ururka Al-shabaab weerarkaasi in ay uga dan lahaayeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in shacabka aysan marnaba ku niyad jabi doonin dhacdooyinkan oo kale.
“AMISOM waxay cambaareyneysaa weerarka naxariis darada ah, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xagjirka.” Ayuu yiri Ambassador Francisco.
Ugu dambeyn Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah.