Beledweyne-RisaalaFM- Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan Tababar ay u furayaan Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle, tiradoodana lagu sheegay Kun Askari.
War qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in 600 Askari ay ka imaan doonaan magaalada Beledweyne,halkas 400 oo Askarina ay ka imaan doonaan oo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
“AMISOM waxa ay sii wadi doontaa in ay ku tabarucdo qalab dheeraad ah, waxayna cusboonaysiin doontaa saldhigyada Booliska, si loo xaqiijiyo ujeedooyinka ciidamada Booliska Soomaaliyeed (SPF),” Ayuu yiri Chikunguru Maxwell, oo ah Isku duwaha Booliska Dib-u-dhiska iyo Horumarinta AMISOM.
Tababarkan ayaa lagu hormarin doonaa xirfadaha ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle si ay u noqdaan kuwo xirfad u leh ilaaliyinta dadka Soomaaliyeed.
Maxwell ayaa hadalkan sheegay kadib markii wafdi ka socda saraakiisha sare ee Booliska ee AMISOM iyo SPF ay soo afjareen booqasho qiimeyn ah oo laba maalmood ku aadeen goobaha tababarka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
General Maxamed Cabdi Bashiir, Ku-xigeenka Taliyaha Booliska ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay ku shaqeeyaan xaalad adag , wuxuna sheegay in ay go’aansadeen si iskaa wax u qabso in ay ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada maamulka Hirshabelle.