Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa baaq u diray dowladaha Kenya,Itoobiya,Uganda in ay ka dhabeeyaan balan qaadkii ay horay ugu sameyeen.
Kenya, Ethiopia iyo Uganda, ayaa loogu baaqay in ay fuliyaan ballan qaadyadoodii ahaa in ay diyaarado dagaal u dirayaan ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Horay ayaa dowladdaha Kenya,Itoobiya,Uganda waxay sheegeen inay diyaarado dagaal ugu deeqi doonaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM si loo xoojiyo dagaalka lagu la jiro ururka Al-shabaab.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo gaaraya 22 kun oo askari oo kala socda dalalka Kenya,Uganda,Itoobiya, waxayna dagaal xoogan kala kulmayaan ururka Al-Shabaab.