Muqdisho-RisaalaFM- Kadib markii qaraxyo iyo weerar toos ah xalay fiidkii ururka Al-shabaab ay ku soo qaadeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka baraha Kontoroolada ee Ciidamada ay joogaan.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa Ciidamada ku amray in ay adkeeyaan ammaanka goobaha baarista ee ay joogaan, si aanay u dhicin Arbushaad kale, iyada oo baraha Kontorool ee qaar lagu kordhiyay Ciidamo kale.
Kolonyo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay isku dayay in ay maraan barta Kontorool oo ku taalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo dageenka, waxaana is hor istaag ku sameeyay Ciidamadii halkaasi joogay.
AMISOM oo isticmaashay awood Millitari oo qaldan ayaa waxa ay toogteen si bareer ah u toogteen mid ka mid ah Ciidamadii Nabad Sugidda ee halkaasi ku sugnaa oo lagu magaacbi jiray Macalin Aadan iyo laba qof oo shacab ah.
Kadib Ciidamada AMISOM ayaa maray wadada waxayna gaareen halkii ay u socdeen, iyaga oo halkaasi kaga dhaqaaqay dadkii ay sida gardarada ah u dileen.
Askariga iyo labada qof ee halkaasi lagu dilay ayaa waxaa qaaday Ciidamada ammaanka, waxaana meydkooda la geeyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka weli kama aanay hadlin falkan ku gardarooshada ah ee ay geysteen Ciidamada AMISOM, sida la ogson yahay AMISOM waa u caado iyo dhaqan in ay dil bareer ah u geystaan dadka shacabka ah.