WARBIXIN: AMISOM Dilka Dadkeena Mise Difaaca Dowladdeena By Sadaam Mohamed Daahir

WARBIXIN: AMISOM Dilka Dadkeena Mise Difaaca Dowladdeena By Sadaam Mohamed Daahir

SHARE

Howlgalka nabad ilaalinta Somaliya ee  AMISOM oo ujeedkiisu ahaa difaaca dowladda iyo ka qayb qaadashada sugidda amaanka dalka ayaa tobansano kadib waxa uu howl galkaas u muuqdaa mid kaweecday qorshihii loo dhisay, kadib markii ay korodhay falalka kabaxsan bini aadan nimada ay kagesteen dalka.

Dadka Somaliyeed oo ladaalaadhacaya colaado soonoqnoqday,  cadaalad daro, cuduro faafa, iyo abaaro baahsan ayaa AMISOM waxay ku biirisay dilka dadka rayidka oo ay sijoogto ah uga geesanayso dalka, iyadoo aysan jirin cid laxisaabtamaysa.

Ciidamada AMISOM waxay waqtiyo kala kadisan ay xasuuq kageysteen deegaano iyo dagmooyin kala duwan oo katirsangobalada dalka, iyadoo sanadkii horay ku dhawaad boqol qof ku dilay degaano hoostaga Xudur, Marka, Gandarshe,

April 16 2016 afar qof oo rayid ah oo lasocday gaari ayay ciidamda Amisom ku rasaaseyeen degmada Buula mareer ee gobolka shabelada hoose , waxaana dadkaasi kamid ahaa Hooye iyo cunug da ah, xili ay ku soojeedeen magalada Muqdisho.

August

September 20, 2016 ay degaanka Muuri ee duleedka dagmada Afgoye ey ku dileen labo qofood oo rayid oo kamid ah beerlayda degaankaas.

October 5, 2016 Lix qof oo siku qoys ah ayaa u geeryotay madafac laga soo tuuray fariisin ciidamda AMISOM ay ku leeyehiin dagamada Janaale oo ku dhacay degaanka Faranga ee duleedka dagmadaas

October 29, 2016 waxay hal qof gawarida AMIOSM ay ku dileen degaanka Jazira ee duleedka magalada Muqdisho iyagoo dhaawacay sadax qof oo kale, kuwaas oo lasocday mooto bajaaj.

November 10, 2016: waxay ciidamada ethopai ee qaybta ka ah AMISOM ay afar ruux ku dileen dagmada ceelbuur ee gobolka galgaduud waxaana dadkaas kamid ahaa 85 sano jir.

Todobaad kan oo kaliya ayaa AMISOM waxay dad kabadan 12 ruux ay kudileen magalada Muqdisho iyo gobalka shabelada Hoose, dhacdadii kowaad ayaa khamistii waxay kudileen hooyo somaliyeed oo maraysay watada isku xirta isgoyas KM4 iyo garoonka diyaradaha ee Aadan Cadde kadib markii mid kamid ah gawaarida booliska  AMISOM uujiray,  dhacdada taas kawayn ayaa ah midda ay ku nafwaayeen 11 ruux oo shan kamid ah ay iskuqoos yihiin kuwaa soo kala ah hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay kadib markii ay ugutageen guri ay ka dagnaayeen degaan ka Ceelwareegow ee gobolka Shabeelada Hoose, halka lex qof oo kale oo sadax kamid ah ay dumaryihiina ay dagmada Qoryoley ugu geeryoodeen madafac ay kudhufteen gaari nooca dadweynaha qaada oo halkaas marayay.

Dowladda oo masuul ka ah ilaalinta iyo difaaca sharafta iyo jiritaanka umadda somaliyeed ayaa dhiiga dadkeena ku badalatay ilaalinta danaha amni ay kaleedahay ciidamda shisheeye ee jooga dalka.

AMISOM iyo dawladda ayaa ka soosaara war isku mid ah oo ay ku doonayaan inay ku dajiyeen quulbta dhimatay dadka somaliyeed taasi oo ah inay baarayaan sida ay wax udhaceen iyadoo aan la arag halka uu ku dhaamdo baaritaankaas, iyo cid wax laga waydiyo xasuuqa dadkeen.

Madadka somaliyeed ayaa kala jecleen in ladilo iyo in ladaayo mise dawladda ayaan ka sugeena difaaceena.