Amiirka Muslimiinta Nigeria oo xiriir u yeelay guurka badan iyo argagixisada

Wadaad caan ka ah dalka Nigeria oo taageerayaal badanna leh oo lagu magacaabo Emir Lamido Sanusi II, ayaa xiriir u yeelay xaasaska badan ee la guursado iyo “argagixisada”.

Wuxuu sheegay in imaaradiisa ay culimada Islaamka kala shaqeyneyso sidii loo eegi lahaa dhibaatooyiinka la xiriira guurka.

Wuxuu qiray inuu jaamacadda sida weyn loo xushmeeyo ee Bayero uu ka doonayo inay sameyso qoraal ku saabsan dhibaatada haysata Muslimiinta Woqooyiga Nigeria iyo arrimaha guurka, xiriirka ay leeyihiin.

Lamido Sanusi ayaa doonaya in la mamnuuco guurka qasabka ah, iyo guursashada xaasas badan.

Wuxuu sheegay in la eegayo sida aabaha uu u bixin karo dhaqaalaha reerka, iyo awooddiisa ah inuu ka war-hayo caafimaadka xaasaskiisa.

Shirciga uu doonayo in la sameeyo waxaa sidoo kale soo gali doono furriinka, dhaxalka, iyo korriimada caruurta.

Emir Sanusi wuxuu tilmaamay inuu ku kalsoon yahay in xeerka cusub uusan qilaafeyn diinta Islaamka iyo waxa ay ka qabto arrimaha guurka la xiriira, sida dhibaatada qoyska.

Sanusi ayaa hadalkiisa ku daray in sharciga uu qeexidoono heerka uu ninka ku guursan karo xaas labaad.

Emir Lamido Sanusi, wuxuu sheegay in rag badan oo aanan awoodin inay hal xaas biilaan, ay guursadaan xaasas badan, 20 caruur ahna ay dhalaan.

“Caruurta waxay noqdaan waxbarasho la’aan, jidadka ayaa looga tagaa, waxayna u koraaan sida burcad iyo argagixiso”, ayuu yiri.