Alvaro Morata ayaa si gaar ah ugu sheegay Sky Sports News markii uu gaaray London sababta ka dambeysa heshiska uu ugu dhaqaaqay Chelsea.
Weeraryahanka Spain ayaa ku jawaabay waa kooxda ugu fiican, waxay leeyihiin tababaraha ugu fiican dunida.
24-sano jirkaan ayaa u duulay garoonka Heathrow subaxnimadii hore ee saaka halkaas oo uu ku mari doono tijaabada caafimaadka.
Ciyaaaryahanka ayaa ugu dhaqaaqay kooxda Chelsea lacag dhan £ 70m, waxaana la filayaa inuu ka gudbo tijaabada caafimaadka saacadaha soo socda.