Al-Shabaab oo xoojiyay Cadaadiska Sheekh Mukhtaar Roobow

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Al-Shabaab ayaa soo cusbooneysiiyay Hanjabaada ay ku hayaan dagaalyahanada uu wato Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor.

Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo markii ay shaacisay in Sheekh Mukhtaar Roobow ay ka qaaday xayiraadii lacageed ee dulsaarneyd ayaa waxaa kordhay Cadaadiska uu kala kulmaayo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey Al-Shabaab soo cusbooneysiiyeen Hanjabaadooda ku aadan in ay dilayaan sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta qaar ka mid ah dadka degaanka.

Sheekh Mukhtaar Roobow  ayaa hadda ku sugan degaan lagu magacaabo Abal oo ka tirsan gobolka Bakool.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay wadahadalo kula jiraan Sheekh Mukhtaar Roobow, islamarkaana ay suurtagal tahay asaga iyo dagaalyahanadiisa in ay kusoo biiraan.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaan jiray dagaalyahanada ugu waa weyn Al-Shabaab, waxaana la sheegay in sanadkii 2013-dii uu ka baxay ka dib markii ay is khilaafeen.