Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen degaanka Maroodille oo ku yaalla duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxa ay sheegeen in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaasi kulaa saldhig in ay ku qaadeen Weerar ka dibna ay degaanka qabsadeen.
Waxa ay sheegeen Al-Shabaab markii ay soo galeen degaankaasi in ciidamada dowladda Soomaaliya ay u baxeen dhanka Magaalada Baledweyne.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamullka gobolka Hiiraan oo ku aadan hadalka Al-Shabaab ay baahiyeen.