AKHRISO: R.W Kheyre oo la faray Xeerkii Baarlamaanka in uu gaarsiiyo Madaxda Imaaraadka Carabta

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu si deg deg ah u gaarsiiyo warqad Madaxa ugu sareya dalka Imaaraadka Carabta, islamarkaana uu u sheego in ay kusoo xadgudbeen qaranimadda Soomaaliya.

Qodobadii ku jiray Xeerkii Maanta lagu mamnuucay shirkadda DP World ee kasoo baxay Golaha Shacabka ayaa waxaa ka mid ahaa:

” R/ Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya la farayaa inuu si degdeg u gaarsiiyo xeerkan madaxa xukuumadda istutaga Imaaraadka Carabta “UAE” kuna wargeliyo iney ku kaceen falal culus oo xadgudub ku ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan si bareer ahna uga horimaanaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xaqa shacbiga Soomaaliyeed dowga u leeyihiin bedqabka dalkooda, ilaalinta gobonimadiisa iyo midnimada geyigooda”

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sidoo kale ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Kheyre in uu si deg  deg ah u horkeeno Baarlamaanka tilaaboooyinka lagu ilaalinaayo qaranimada

“Waxaa kaloo la farayaa R/ wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya in uu degdeg ah baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed u hor Keeno tillaabooyinka iyo howlgallada xukuumadda ay ku ilaalneyso sareynta dastuurka iyo badbaadinta midnimada geyiga Soomaaliya”

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay Shirkadda DP World ee Heshiiska dekadda Berbera, waxaana ay sheegtay in aan wax heshiis ah oo aysan dowladda Soomaaliya ogeyn la gelikarin.

Heshiiskan oo sidoo kale ay qeyb ka tahay dowladda Itoobiya ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadda DP World ay maamulayso dekeda Berbera, iyada oo leh saami dhan 51%, halka Somaliland ay yeelanayso boqolkiiba 30%, Itoobiyana 19%.