AKHRISO: Q/2-aad dhacdooyinkii ugu waa weynaa Soomaaliya 2017

Muqdisho-RisaalaFM- Akhristiyaasheena sharafta leh ee ku xiran Page-ka Radiorisaala.com ama Risaala.net, waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynee ee Soomaaliya sanadkii tagay 2017. maanta waa weybta 1-aad Saddexda bil ee kala ah April, May iyo June.

April

April, 05, 2017 –Qarax gaari ayaa ka dhacay banaanka hore ee maqaayad lagu iibiyo “Coffee” oo ka soo horjeeda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo cayaaraha ee ku taalla magaalladda Muqdishu.

Sidoo kale halka qaraxa uu ka dhacay, waxaa ay 100 meter u jirtay xaruunta wasaaradda amniga gudaha.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeryoodeen, halka 8 kalana ay ku dhaawacmeeyn.

April, 09, 2017–Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeryootay halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay meel u dhow wasaaradda Gaashaandhigga ee ku taalla magaalladda Muqdishu.

Qaraxa ayaa ahaa ismiidaami waxaa uu dhacay xilli wada uu marayey taliyihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Axmed Jimcaale Cirfiid.

April, 10, 2017–Ugu yaraan 10 askari oo u badan saraakiil ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Warshadii hore ee Nacnaca ee degmadda wadajir ee magaalladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay nin soo xirtay tuutaha ciidanka militariga dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in uu gudaha u galay xerada ciidanka.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa gaaraya 15 ruux waxaana ku jira gabar yar oo xerada meel u dhow joogtay xiligii qaraxa uu dhacaayay.

 May

May, 03, 2017 – Waxaa  soo dhamaatay wareegii labaad doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen ilaa saddex musharax.

Wareega labaad waxaa isugu soo haray musharixiinta kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo musharax Axmed Cali Hiloowle, waxaana ugu danbeyntii xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ku guuleystay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo hellay 54 cod, halka musharax Axmed Cali Hiloowle uu helay 34 cod, waxaana xumaaday hal cod.

May, 03, 2017-Ciidan la socday Hanti-dhowrka Guud ee dalka Nuur Farax, ayaa  toogtay wasiirka howllaha guud iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya Cabas Cabdullahi Siraaji.

Marxuum Cabaas ayaa ka mid ahaa wasiiraddii la dhaariyay bishii March ee sanadkan, waxaana uu ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa ee abid kasoo muuqda wasiirada Soomaaliya, sidoo kallana waxaa uu ahaa xildhibaan laga soo doortay magaalladda Kismaayo.

May, 05, 2017-Hal askari oo American ah ayaa dhintay, halka laba kallana ay dhaawacmeen, iyagoo ku jira howgal ka dhan ah Al Shabaab.

Howlgalka waxaa uu ka dhacay deegaan u dhow Bariire oo qiyastii 40 miles galbeed kaga beegan magaalladda Muqdishu ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Saraakiil American ah ayaa geerida askariga iyo dhaawaca labada kale u xaqiijiyay Telefeshinka CNN ee dalka Mareykanka.

May, 11, 2017 – Waxaa si rasmi ah uga furmay Aqalka Lancaster House ee magaalada London shirka Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ay martigalisay dowladda Britain.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyeyaasha caalamka, waxayna ujeedadu tahay in laga wada arrinsado sidii loo kordhin lahaa gargaarka bani’aadannimo iyo sidii horumar looga gaari lahaa arrimaha ammaanka Soomaaliya.

May, 12, 2017-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka tira kalana ay ku dhaawacmeen Qarax ismiiidaamin ah oo ka dhacay magaalladda Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay nin soo xirtay waxyaabaha qarxa, sida uu sheegay Afhayeenkii wasaarada amniga ee dowladda federalka Soomaaliya Axmed Carab.

May, 13, 2017 – Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu, waxaa soo caga dhigatay diyaarad sidday 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka Aadan Adde.

Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.

May, 18, 2017 – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa  waxaa ay xukun dil ah ku fulisay nin ay ku eedeysay in uu waday gaari ku Qarxay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

Ninka xukunka dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Xasan.

Qaraxii Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ayaa waxaa uu dhacay 27-kii November 2016, waxaana ku dhintay ku dhowaad 15 qof halka tira intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen.

May, 23, 2017– Wareegto ka soo baxday wasaarrada arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa mar kaliya lagu magacaabay guddoomiyayaashii degmo ee ugu badnaa gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay ilaa 15 guddoomiye degmo, kuwaa oo badallay guddoomiyayaal hore oo dhalinyarro u badnaa, kuwaa oo xilka soo hayay tan iyo sanadkii 2014ka.

May ,31, 2017– Qarax khasaare ballaaran geystay ayaa ka dhacay Irida hore ee Madaxtooyada dalka Afghanistan ,Qaraxa oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay gaadiid hor yaallay madaxtooyada dalkaasi, iyadoo goobta uu isqabsaday qiiq iyo Uuro madoow oo cirka isku shareertay.

Meesha uu qaraxa ka dhacay waxaa ka dhaw Safaarado badan, balse waxaa si gaar ah uga dhaw Safaarada Germany ee dalkaasi ku leedahay.

June

June, 08, 2017–Tiro ka badan 50 ruux ayaa ku dhimatay kadib dagaal culus  ku dhaxmaray ciidamada daraawiishta Puntland iyo Al-shabaab deegaan lagu mgacaabo Af- Urur oo ka tirsan gobolka Bari.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaadeen xero ciidamada daraawiishta Puntland ku lahaayeen deegaanka Af-Urur oo qiyaastii 105 km dhinaca Koonfur galbeed ka xiga magaalada Boosaaso.

June, 15, 2017- Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Al Shabaab ay weerareen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa soo gaba-gabeeyay weerarkii Al Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen in ay wada dileen dhamaan dagaalamayaashii weerarka soo qaaday.

June, 20, 2017-Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu qaaday xarunta degmada Wadajir, waxaana ku dhintay ku dhawaad 20 qof.

June, 22, 2017–Qarax Ismiidaamin ah ayaa lala eegtay Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku dhinteen 9 qof, in ka badan 10 kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen ayaa dadkii ku waxyeeloobay waxaa kamid ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Max’ed Awlibaax

June, 30, 2017–Maxkamada sare ee ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ku riday 7 dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Dhalinyarradan ayaa ku eedeysnaa in ay dilal ka geysteen magaalooyin ka mid ah Puntland iyo qaar la sheegay in lagu qabtay iyagoo sida qaraxyo.

W/D:- Rijaal Abdi Mohamed