AKHRISO: Muran ka taagan goobta lagu qabanaayo cod u qaadista Mooshinka Jawaari

Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shuruud ku xiray in cod u qaadista moshinka guddoomiye Jawaari lagu qabto Xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan diidaneyn in golaha shacabka lagu qabto kulanka balse ay diidan yihiin in cod u qaadista ay dhacdo iyadoo ciidamadii ay Xukuumada Soomaaliya geysay xarunta ay weli joogaan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada hada jooga xarunta aysan ahayn ciidamadii u tababarna ilaalinta amniga xarunta.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada laga badalay xarunta ee kuwa hada joogo lagu badalay ay ahaayeen ciidamadii amniga xarunta sugaayay doorashada guddoonka golaha shacabka sanadihii dambena ka howlgalaayay xarunta.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada hada golaha shacabka joogay aysan ahayn ciidamadii u tababarnaa sugida amniga xarunta.

Waxa uu xusay in ciidamadaan ay yihiin kuwa dagaalama isla markaana aysan ahayn ciidamo sugi kara amniga xarunta.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in guddiga amniga qaabilsan golaha shacabka ay la kulmeen Taliyaasha cusub ee booliiska iyo Nabad sugidda Soomaaliya.

Weli waxa uu muran ka taagan yahay halka lagu qabanayo kulanka codka kalsoonida loogu qaadayo ee arrimaha mooshinka guddoomiye Jawaari lagu soo afjarayo.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay u dalbday in meel ka baxsan xarunta golaha shacabka lagu qabto cod u qaadista mooshinka laga keenay goobjoogna ay ka ahaadaan sida uu sheegay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.