AKHRISO: Madaxweynaha Somaliland Muxuu ka yiri dagaalka ka Socda Tukaraq?

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Puntland ee ka socda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay weerar kusoo qaadeen Ciidamadda Somaliland ee ku sugan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay dagaalka Saaka dib uga qarxay degaanka Tukaraq, waxaana uu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto tilaabo wax ku ool ah.

“Waxaan u sheegaynaa ragga saaka na soo weeraray in aan u dhigi doonno casharkii aanu u dhignay Afwayne oo aabbahood ahaa waxaan u sheegaynaa in aan u dhigi doono casharkii aanu u dhignay kuway wax moodayaan ee Moorgan iyo qayrkood”