Home Wararka AKHRISO: 4 Xisbi oo Codsaday in Shaqadda laga joojiyo Madaxda Hay’adda NISA

AKHRISO: 4 Xisbi oo Codsaday in Shaqadda laga joojiyo Madaxda Hay’adda NISA

SHARE

Xisbiyada Wadajir, Daljir, Kulan iyo Madasha Horusocod oo ay ku midoobeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole ayaa soo saaray war saxaafadeed wadajir ah, kaddib kulamo wadatashi ah ay yeesheen.

War saxaafadeedka ayaa ciwaan looga dhigay Xaqsoorida iyo cadaalad u sameynta 6-dii qof ee lagu dilay weerarkii 17-kii bishii December ay ciidamo ka tirsan NISA ku qaadeen Guri uu degenaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.