Home Wararka Ahlusunna oo magacaabatay Baarlamaan

Ahlusunna oo magacaabatay Baarlamaan

SHARE

Dhuusa-mareeb-RisaalaFM- Maamulka Ahlusunna ayaa maanta waxa ay yeeseen Baarlamaan cusub, kadib kulan ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Magacaabista xildhibaanadan ayaa waxa ay ku timid qaab xulitaan ah, kadib waxaa Digreeto ku magacaabay Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir.

Baarlamaanka uu yeeshay Maamulka Ahlusunna ayaa ka kooban 63 xubnood, waxaana ay isugu jiraan saraakiil, xubno ka tirsanaa qeybta warfaafinta, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkan iyo waliba dad iska caadi ah.

Xildhibaanada ayaa isla manta magacaabay Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaankan, waxaana loo magacaabay Shaacir Shiikhow Maxamed oo ah ninka ugu da’da weyn xubnahan.

Ilaa 10 Haween ah ayaa ka mid ah Baarlamaankan, sida ay Risaala  u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.