Agaasimaha guud HSJ oo gaaray Belgium “SAWIRRO”

Belgium-RisaalaFM- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Belgium.

Agaasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safaarada, Qumsulka iyo gudi ka socdey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belgium.

Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna Agaasimuhu kala hadley masuuliyiinta safaaradda iyo gudigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Belgium ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga.

IMG-20170602-WA0359 IMG-20170602-WA0360 IMG-20170602-WA0361 IMG-20170602-WA0362