Muqdisho-RisaalaFM- Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii Afhayeenimo, kadib hadal kooban oo uu siiyay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho.
Mar aan weydiinay Afhayeenka Sababta uu isku casilay ayaa wuxuu inoo sheegay in ay tahay inuusan u jeedin hormar dalkan in lagu sii hoggaamiyo la doonayo, wuxuuna tilmaamay in uusan mar walba fiirsan karin in shacab la gumaaday uu ka dul hadlo.
Wuxuu kaloo inoo sheegay Axmed Carab in hada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland, halkaasi oo markii horeba uu ka yimid.
29-kii April ee sanadkan wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Afhayeenka Wasaarada Amniga waxaa loogu magacaabay Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Axmed Carab) iyadoo xilkaasi laga qaaday C/Kaamil Macalin Shukri.
Axmed Carab ayaa inta uusan qaban xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, wuxuu horey u soo noqday Afhayeenkii laamaha amniga maamulka Jubbaland.