Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka oo shaqada ka fariisanaya

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka Paul Ryan ayaan ka qayb gali doonin doorashada Maraykanka ka dhacaysa sannadkan gudahiisa, arrintaas oo dhirbaaxo wayn ku ah xisbiga Jamhuuriga iyadoo ay soo socoto doorashada Aqalka Wakiillada.

Ninka ugu awood badan xildhibaannada ayaa sheegay in uusan iska soo sharaxaynin mar kale deegaanka Wisconsin, marka doorashada la qabto bisha Nofeembar.

Jamhuuriga ayay haddaba caddaadis ka haystaa sidii ay aqlabiyadda Aqalka Wakiillada uga ilaashan lahaayeen xisbiga Jamhuuriga.

Ryan ayaa qayb ka ah soddon xildhibaan oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan oo shaaciyay in ay shaqada ka fariisanayaan sannadkan.

Xisbiga Dimuqraadiguna wuxuu u baahan yahay 23 xildhibaan si uu aqlabiyad uga noqdo aqalkaas.

Ryan oo Arbacadii shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay go’aankiisa wuxuuna ku sababeeyay arrimo qoys.

“Waad ogtihiin anigu shaqadan ma raadsanin, ee anigu oo ka cago jiidaya ayaan qabtay” ayuu yiri.

“Balse shaqadan wax walbe waan u huray, kamana shalaytaysni in aan masuuliyaddaas aqbalay”.

Ninkan oo 48 jir ah saddex carruur ahna dhalay ayaa sheegay in uusan rabin in carruurtiisu u arkin “aabaha Sabtida iyo Axadda oo kali ah”.

Ryan ayaa sheegay in uu shaqada ka fariisan doono bisha Janaayo ee sannadka fooda inagu soo haya, markaas oo uu ku egyahay xilligii la doortay.