Kulamada 13-aad ee horyaalka Ingiriiska ayaa la cayaari doonaa todobaadkan inta badana kooxaha Big Six ama lixda naadi ee ugu awooda badan ayaa horyaalkan xiiso gaar ah u yeelaan.
Hadaba ka hor inta aan EPL la cayaarin todobaadka 13-aad waxaan idiin heynaa sedex xaqiiqo oo u gaar ah Man United, Man City iyo Liverpool iyo inay sii jiri karaan todobaadkan:
Man United waxay dooneysaa inay sii wadato iskoorkeeda guuldaro la’aanta ah garoonkeeda madaama 23-kulan garoonka Old Trafford haatan looga badinin.
Man City waxay guuleesaneysaa 10-kulan ee ugu dambeeyay Premier Legaue hadaba guulaheeda xariirka ah masii wadan doontaa?
Chelsea waxaa ugu dambeesay 5-sano ka hor ama November 2012 in garoonka Anfield looga badiyo cayaar ka tirsan EPL, hadaba iskoorkaan Chelsea masii wadi doontaa mise waa laga soo idleyn doonaa?
Liverpool waxaa u suura gashay 5-kulan ee ugu dambeesay EPL inay guuldaro kala kulmaan Chelsea, waxaana Blues ugu dambeesay inay Reds ka badiyaan sanadii 2014 ama sedex sano ka hor kulan EPL ka tirsan iskoorkaan masii jiri doonaa?