Abaabul Siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho ka socda

Abaabul ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa saacaddihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Abaabulkaan ayaa waxaa wadda Siyaasadeed kasoo jeedda maamulka Jubbaland, kuwaasoo aan ku qanacsaneyn hoggaanka maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulamo ka dhacay Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen Siyaasiyiin , Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Bulshadda kasoo jeedda degaanada maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay ka jirto xaalad aad u xun.

Siyaasiiinta Magaalada Muqdisho ku shiray waxaa ka mid ahaa  Wasiirkii hore ee Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii sanadkii hore dhacday.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka taagnaa Khilaaf u dhaxeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland qaarkood iyo sidoo kale hoggaanka maamulka Jubbaland.

Khilaafka ayaa ka dhashay Xanaasad ka qaadidii iyo Xarigii loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulkaasi ka dibna loo soo masaafuriyay Magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha Jubbaland ku eedeeyay in uu doonaayo in Xilka Madaxweynaha Jubbaland uu iskusoo taago Markii Saddexaad.