Home Caalamka Wadahadalka Britain iyo Yurub oo maanta furmaya

Wadahadalka Britain iyo Yurub oo maanta furmaya

SHARE

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Brussels ka furmaya shirkii ugu horreeyay ee dalka Britain uu rasmi ahaan kaga baxayo ururka MIdowga Yurub.

Waxaa kulankaas ka qayb gelaya wasiirka dowladda UK u qaabilsan ka bixidda Midowga Yurub iyo wakiilka Midowga Yurub u xilsaarteen wada xaajoodka labada dhinac.

Wada xaajoodka rasmiga ah ee ka bixidda Midowga Yurub waxaa marka ugu horreysa diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan sidii dalka UK uu uga guuri lahaa ururka Midowga Yurub, sida uu sheegay ururkaasi inuu jecel yahay inay u dhacaan wada xaajoodyadu iyadoo xiriirka mustaqbalka ee labada dhinac lagaga hadli doono kulammada dambe.

Waaxda dalka Britain u qaabilsan ka bixidda Midowga Yurub waxay sheegtay inay weli ku dheggan tahay aragtida ah in la isku barbar wado bixitaanka iyo xiriirka mustaqbalka sida uu noqonayo.