Home Caalamka 6 Askari oo ku dhimatay Qarax Miino

6 Askari oo ku dhimatay Qarax Miino

SHARE

Sida ay xaqiijiyeen ilaha Ammaanka dalka Thailand ugu yaraan 6 askari ayaa dhimatay tiro kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii ay la qaraxday Miino lagu Aasay Wadada Dhinaceeda.

Sarkaal Sare oo ka tirsan degmada Pruk Liangsukwho ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada lala eegtay Qaraxa xilli ay wadeen howlgallo.

Ciidamada ayaa waday howlgallo ka dhan ah Kooxda Mucaaradka ah ee ku sugan Waqooyiga dalkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyiinta Qaraxaasi.