Home Caalamka 24 qof oo ku dhimatay Dab xooggan

24 qof oo ku dhimatay Dab xooggan

SHARE

Ugu yaraantii 24 qof ayaa dhimatay 30 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii dhul keymo ah oo ku yaal bartamaha dalka Portugal uu dab ka kacay.

Ku dhawaad 500 shaqaalaha dabdamiska iyo 160 gawaarida dab damiska ah ayaa la keeyay goobta si ay udamiyaan dabka ka kacay degmada Pedrogao Grande .

“hadda waxa aynu arkeeno waa musiibo aad u weyn waayo xilligaan waxaa dhintay 24 qof waxaa laga yaabaa in dhimashadu intaa kasii badato .”sidaasi waxaa xarrunta ilaalinta rayidka ka sheegay raiisal wasaaraha Portugal Antonio Costa.

Xoghayaha arrimaha gudaha dalkaasi Jorge Gomes ayaa xaqiijiyay in 19 qof oo shacab ah in ay ku dhinteen dabkaa ka gacay keymaha.

Dabkaan ayanaan aheyn kii ugu horeeyay ee ka dhaca dalkaasi,sanadkii hore dab ka kacay jasiirada loo dalxiistago Madeira ayaa dilay seddex qof halka ay ku burbureen guryo fara badan.