Ilaa iyo 20 qof ayaa dhimatay kadib markii uu qof isku qarxiyey aafaafka hore ee dhismaha maxkamadda sare ee magaalada Kaabuul.
45 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxan, waxaana la arkaa in tirada dhimashada ay sare u kacdo.
Lama sheegin cidda ka danbeysay qaraxan balse hore ayey maleeyshiyaad Taalibaan beegsatey dhismayaasha maxkamadda.
Qaraxan ayaa dhacay xili ay shaqaalaha maxkamadda ka rawaxayeen shaqada.
Bishii la soo dhaafay qarax ka dhacay xarunta baarlamaanka Kaabuul ayaa waxaa ku dhintay 30 qof intaa ka badana way ku dhaawacmeen.
Qaraxan ayaa dhacay maalin kadib markii warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ay ku sheegtay in dadka rayidka ah ee waxyeeladu soo gaartay ay halkii ugu sareysey gaartay tan iyo intii ay hay’addu billowday in ay si rasmi ah u diiwaan geliso siddeed sanno ka hor.